Pentagonka oo xaqiijiyey inay Komaandooska Maraykanka iyo Xarakadda Alshabaab ku dagaalameen Koonfurta Somalia.

Sarkaal u hadlay Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka (The Pentagon) ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee la shaqeeya Hawlgalka AMISOM ay maanta isku dhaceen Alshabaab.

usa special forcesSarkaalka ayaa sheegay in iska horimaadkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee saakayto lagu dilay 5 Dagaalyahan, isla markaana aysan jirin Askari Maraykan ah oo ku dhaawacmay Dagaalkaasi.

Sarkaalka waxa uu tilmaamay inay Ciuiddanka Maraykanka ay La-talin iyo Taageero siinayeen Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

“Ciiddanka AMISOM waxay ku jireen Hawlgal lagu qaadayey Jid-gooyooyin ay Alshabaab dhigteen, si ay Dareewaladda uga qaataan Lacago” ayuu yiri Sarkaalka u hadlay Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka oo intaasi ku daray inay Ciiddanka Maraykanka ku biireen dagaalka, kadib, markii la cabsi geliyey Ciiddanka AMSIOM.

Sarkaalka waxa uu sheegay inay Ciiddanka Uganda rasaas kala kulmeen Dagaalyahano Alshabaab oo lagu qiyaasay 20-qof, waa sida uu Sarkaalkaasi u sheegay Telefishinka CNN-ka.

Waxa uu intaasi ku daray markii ay Ciiddanka Uganda awoodi waayeen inay dhamaystiraan Hawlgalka ayey Kooxda Komaandooska Maraykanka ee La-talinta ah waxay codsadeen Diyaarado duqeeya Dagaalamayaasha Alshabaab ee joogtay Barta Kontoroolka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xarakadda Alshabaab ayaa gelinkii hore ee saakayto sheegtay inay Ciiddamo Marykan ah dagaal kula galeen Deegaanka Sabiib ee duleedka Degmadda Afgooye.

Dhinaca kale, Ku-dhawaad 50 Askari oo Maraykan ah ayaa ka hawlgala goobo qarsoon oo ku yaalla Koonfurta Somalia, waxayna adeegsadaan Saldhigii Ciiddanka Cirka ee Balli-doogle ee Gobalka Sh/hoose, iyagoo fuliya Hawlgalo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor