Paddy Ankunda:- Olole looga hortagayo Xag-jirnimadda iyo Dhallinyarradda ku biirta Alshabaab

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay inay Ciiddanka bilaabeen Olole lagula dagaalamayo Xag-jirnimadda iyo inay Dhallinyarradda ku biiraan Alshabaabka Somalia

Afhayeenka oo la hadlay Laanta Afka Englishka ee Idaacadda VOA-da ayaa shegay in Tallaabadan lagu dhaqaaqay kadib, markii ay Islaamiyiinta Isbahaysiga Dimuqraadiga ee (ADF) ku kacsan Dowladda Uganda bilaabeen inay qortaan Dhallinyarro ku biirta Alshabaabka iyo Alqaacidada ka hawlgala Gobalka.

Waxa uu intaasi ku daray in hadafka Milliteriga yahay sidii loo joojin lahaa Dhallinyarradda ay Xag-jirayaasha ka qortaan dalka Uganda, gaar ahaan qeybo ka mid ah Bartamaha dalkaasi.

Afhayeenka Milliteriga Uganda, waxa uu xusay inay Ololahooda u adeegsanayaan Warbaahinta, gaar ahaan Baraha ay Dadweynaha ku wada xiriiraan, si dhallinyarradda loo wacyi-geliyo.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii uu Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni booqasho ku joogo dalka Maraykanka, isagoo kulan la qaatay La-taliyaha Ammaanka Qaranka Maraykanka, Susan Rice.

Mas’uuliyiintaasi waxay ka wada hadleen muhiimadda Iskaashiga Maraykanka iyo Uganda ee La-dagaalanka Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda  ka jirta Bariga Afrika.

Xigasho: VOA