Paddy Ankunda “Ciidamadda Uganda Waxaa ay Qaadi Doonaan Falcelin Ku Aadan Weerarkii Al Shabab Ee Janaale”

Hadal Qoraal ah oo uu bogiisa Twitter-ka Soo dhigay Afhayeenka Ciidamadda Militariga Uganda Paddy Ankunda ayaa waxaa uu kaga hadlay weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamadda AMISOM Uganda ay ku leeyihiin Degmadda Janaale Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Captain Paddy ayaa sheegay in Ciidamadda Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ay qaadi doonaan jawaab adag oo ay kaga aargudsanayaan Dagaalamayaasha Al Shabaab.

“Ciidamadda Uganda Ee Soomaaliya Waxaa ay Qaadi Doonaan Falcelin Adag Oo Ku Aadan Weerarkii Al Shabab Ee Janaale” Sidaasi Waxaa Yiri Paddy Ankunda.

Hadalka Afhayeenka Ciidamadda Militarigga Uganda ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Dagaalayaasha Al Shabaab Weerar Xoogan ay Aroornimadii Taladada  ku qaadeen Saldhigga Ciidamadda AMISOM ay Ku Leeyihiin Janaale.

Weerarkaasi ayaa Al shabaab waxa ay sheegeen in ay ku dileen 50 Askarta AMISOM Uganda ka tirsan Balse Captain Paddy  Ankunda ayaa hadalkaasi ku tilaamay mid been abuur ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor