Orod-yahan Mo Farah oo aan biyo u kabanin Orodkii maanta ee Bejing.

Orodyahanka Somali-Britishka ee Mo Farah ayaa maanta sameeyey Orod Taariikhi ah, kadib, markii uu maanta ka qeyb galay Tartanka Orodka 5,000m  ee Horyaalka Adduunka.

Mo Farah waxa uu Orodkaasi ka muujiyey wacdarro, kadib, markii uu si xarago leh uga guuleystay Orod-yahanaddii Calamiga ee la baratamaysay.

Orodyahan Mo Farah ayaa la sheegay inuu Tartankii maanta dhamaystay isagoo aan u istaagin, si uu koob biyo u cabo, iyadoo ay Cimiladdu ahayd mid kulul.
Waxa uu si il-milicsi ah isaga eegeegay Orod-yahannadda kale oo iyagu rumeysnaa inuu Mo Farah ku guuleysan doono Tartankaasi.

Orod-yahanka oo 32-jir ah waxa uu horey u hantay Billadda Dahabka ee 10,000m, maalintii ugu horreysy ee uu Tartankaasi ka furmay Garoonka the Bird’s Nest stadium oo ku yaalla Caasimadda dalka Shiinaha ee Bejing.
Mo Farah sida caadada u ahayd waxa uu sameeyey xeellad u oggolaatay inuu markii ugu horreysay ka gudbay Laynka.

Orod-yahanka Caalamiga ee asalkiisu ah Somali waxa uu horey labo jeer ugu guuleystay Tartankii Olombikadda ee sannadkii 2012-kii ka dhacay magaalladda London iyo Horyaalkii Caalamiga 2013-kii.mOAFARAH FARAH MO FARAH OO SAJUUDSAN MO FARAH 555

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor