Ololaha doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo laga dareemayo jowhar

Magaalada Jowhr ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle  waxaa la filyaa in 12 bishaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle kaidb xilka qaadistii Cali Cabdullahi Cosoble.

Musharixiin farabadn oo u taagan qabashada xilka Maaxwynenimo ee Hir-Shabeelle ya isdiiwangeliyay kuwaas oo haatan ku sugan Magaalada Jowhar, isla mrkaana wada olole ku aadan musharxnimadooda.

Musharixiintaan oo dhamaantood ah rag ayaa kulamo Gooni gooni ah waxa ay la qaadanayan xildhibaanada Hir-Shabeelle si ay ugu muujiyaan in ay la imaan doonaan waxqabad dahb ah, halka qaarkood ay booqanayaan Isbitaalada, Goobaha y dadka barakacayaasha ah ay degan yihiin.

Sawirrada qaar ka mid ah musharixiinta ayaa lagu dhejiyay Wdooyink Waaweyn ee Magaalada jowhar kuwaas oo iyana sameestay halku dhigyo ay ku mujinayaan inay yihiin musharixiin wax badan u qaban kara Shacabkooda.