OIC oo cambaaraysay qaraxyaddii Alshabaab ka geysteen Baydhabo iyo Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka Calaamka ee OIC, Dr. Iyaad Bin Amiin Madani ayaa cambaareeyey weeraradii Baydhabo, wuxuuna ku tilmaamay Fal-dembiyeed halis ku ah Aadminimadda.

Hadal-qoraal oo uu ka soo saaray Xaruna Dhexe ee Ururka Islaamka Caalamka ee magaalladda Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga waxa uu tilmaamay in ay nasiib-xumo tahay inay dhacaan Qaraxyadaasi, xilli ay inta badan dadka Soomaaliyeed ku hawlan yihiin Dib-u-dhiska iyo Nabadda dalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka Calaamka ee OIC, Dr. Iyaad Bin Amiin Madani waxa uu cambaareeyey weerarkii Jimcihii ay Alshabaab la beegsadeen Hotelka SYL iyo Beerta Nabadda ee SYL.

Alshabaab ayaa horey u sheegatay inay ka dambeeyeen Qaraxyaddii ka kala dhacay magaallooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee ay dadka badan ku le’deen, kuna dhaawacmeen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor