UN OCHA oo ka hadashay xaalada cunada dalal ay ku jirto Soomaaliya

Warbixin cusub oo kasoo baxday hey’adda  isku dubida arrimaha Bina’aadanimada Qaramada Midoobey ee OCHA, ayaa lagu sheegay in Xaaladda sugnaanta cuntada ee lix waddan oo ku yaalla bariga Africa, laga soo bilaabo bishii January ilaa  bishii November  sanadkii 2014 ay hoos u dhacday qiyaastii  1 milyan.

Warbixin ka soo baxday  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ( UN OCHA) ee geeska Africa ayaa lagu sheegay in  tirada dadka cunto yarida ee Ethiopia, Kenya, Somalia, Sudan iyo South Sudan ay  hoos u dhacday 12.4 million oo qof bishii  November ee sanadkii  2014 ilaa  11.4 million oo qof bishii January.

“Roobab wanaagsan oo ay heleen wadamada geeska Afrika, ayaa sababay in ay sare u kacdo  ammaanka cuntada  guud ahaan gobolka, ayadoo la saadaaliyey in roobab wanaagsan ay ka da’i doonaan  waqooyi-bari Kenya iyo  koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ay soo wajahday xaalado qalalan,”  sida warbixinta Hey’adda  UN OCHA ku xusan .

Sidoo kale Hay’adda samafalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiradan laga yaabo in ay isbadeli doonto.

Sida laga soo xigtay warbixinta, xaaladda sugnaanta cuntada waxa la filayaa in ay ka dartay laga soo bilaabo bishii  April taasoo loo sababeybanayo  helidda cuntada oo liidatay, waxsoo saarka oo liitay iyo colaado ka taagnaa wadamada gobolka qaar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor