OCHA oo codsatay 30 million oo Dollar, si looga hortago Roobabka El-nino ee Somalia

Hadal ka soo baxay Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA, ayaa sheegtay inay doonayaan ugu yaraan 451 million oo Dollar si wax looga qabto khasaaraha la filan karo ee Roobabka soo socda ee El nino.

Warbixinta oo shalay laga soo saaray magaalladda Nairobi ayaa lagu muujiyey in la rajeynayo inay Roobabkaasi dhibaato gaarsiiyaan inta u dhexeyso 2.7 million ilaa 3.5 million oo qof oo ku nool dalalka Bariga Afrika.

OCHA waxay sheegtay in 174 million oo ka mid ah Kharajkaasi u adeegsan doonto khasaaraha Ethiopia ka soo gaari karo Roobka Elnino.

Dalka Somalia waxaa loo qoondeeyey 30 million oo Dollar oo wax looga qaban doono  khasaaraha Roobka El nino, halka Kenyana loo qoondeeyey toban million oo Dollar.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor