OCHA: Kumanaan Soomaali ah oo ay waxyeello ka soo gaartay Roobabka duufaanta watay ee Japala iyo Megha.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntadda iyo Beeraha (FAO) ayaa sheegtay in 42,000 oo qof oo ku nool Goballadda Jubbooyinka, Sh/dhexe, Hiiraan, Bay iyo Bakool ay ku barakaceen roobabka iyo fatahaadda ay sameeyeen Webiyadda Jubba iyo Shabeelle.

Xafiiska QM ee Isku-xirka Hawlaha Samafalka ee OCHA ayaa iyagana sheegay inay roobabka waxyeeleeyeen 120,000 oo Barakacayaal ah, kuwaasi oo ay ka burbureen Cooshadihii ay ku noolaayeen.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in ka badan 90 Musqulaha loo dhisay Barakacayaasha ay soo gaareen waxyeelo, halka kuwo kalena ay ku dhow yihiin inay dumaan.

Khubaradda Saadaasha Cimilladda waxay ka digeen inay daadadku xiri karaan Waddooyinka la marsiiyo Gargaarka iyo inay waxyeello soo gaarto Faa’idadii Samafalka ee laga sameeyo Goballadda Koonfurta Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey Macluushii darnayd ee sannadkii 2011-kii ku habsatay qeybo ka mid ah Somalia.

elnino 1

© Dadweyne Media     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor