Obama oo xaqiijiyay geerida Hogaamiyaha Daaliban

Madaxweynaha Mareykanka Baram Obama ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay iney duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daaliban Mullah Akhtar Mansuur sida uu baahiyay Telefishinka France24.

Obama ayaa sheegay in geerida Mullah Akhtar Mansuur ay nabad ku soo dabaaleyso wadanka Afganistan oo ay dagaal culus ka wado kooxda Daaliban.

Madaxweyne Obama oo booqasho seddex cisho ku jooga Vietnam ayaa sheegay in Mansuur uu diiday dadaalada wada hadalada iyo in la soo idleeyo rabshadaha dalka Afganistan.

Waxa uu ugu yeeray kuwa ku soo haray hogaanka kooxda Daaliban iney qaatan wada hadalada nabada sida colaada loo dhameeyo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor