Obama oo loogu baaqay inuu Kenya kala hadlo Arrimaha Qaxootiga Soomaalida iyo Xuquuqda Soomaalida Kenyaanka

Iyadoo lagu wado inuu Madaxweyne Braack Obama bishan July 25-da booqasho ku tago caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa waxaa soo baxayo Qeylo-dhaan ay Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ku muujinayaan Tacadiyadda ay Hay’addaha Ammaanka ee Kenya u geystaan Qaxootiga Soomaalida, Muwaadiniinta Soomaalida Kenyaanka ku nool W/bari ee Kenya iyo Muslimiinta ku nool Gobalka Xeebta.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch, Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha (The Coalition of Human Rights Defenders) iyo ugu yaraan Tobaneeyo Hay’addo ka shaqeeya Arrimaha bulshadda iyo Xorriyatul-qowlka ayaa si wadajir ah ugu baaqay Madaxweyne Barack Obama inuu Madaxda Kenya ku cadaadiyo inay wax ka beddelaan Dabeecadaha jirdila, xabsiga iyo caburinta ee lagu hayo Qaxootiga Soomaalida, Muslimiinta iyo dadka Soomaalida Kenyaanka.

War Qoraal oo ay Hay’addahaasi si wadajir u soo saareen ayey ku sheegay in Ciiddanka La-dagaalanka Argagixisadda ee Kenya ay ku kacaan jirdil, xabsi iyo in la waayo dadka ay kaga shakiyaan inay ka tirsan yihiin Alshabaab ee ay ku xiraan Nairobi, Mombasa iyo Mandera.

Qoraalka Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha u direen Madaxweyne Obama waxay kaloo ku sheegeen in Hawlgalladda Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya aan loo nisbeyn Karin inay ka dambeeyaan dadka Muslimiinta, Qaxootiga Soomaalida iyo dadka Somali-Kenyanka ee laga tirada badan yahay.

Qoraalka ayaa lagu xusay inay Ciiddanka Ammaanka Kenya ay dadkaasi ugaarsadaan Muslimnimadooda iyo Soomaalinimadooda.

Hay’addu waxay kaloo Madaxweyne Obama ku booriyeen inuu kala hadlo Madaxweynaha Kenya sidii uu amar ugu bixin lahaa in la baaro wararka sheegay inay Ciiddanka Ammaanka tacadiyo iyo jirdil ka geystaan Nairobi, Gobalka Xeebta iyo W/Bari Kenya, lalana xisaabtamo kuwa ka dambeeya gaboodfaladaasi.

Warbixinta Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha soo saareen waxay kaloo Madaxweynaha Maraykanka ugu baaqeen inuu Dowladda Kenya ku booriyo in la diiwaan geliyo, lana badbaadiyo Mujtamacyadda Qaxootiga ee ku sugan gudaha Kenya, oo ay ku jiraan Qaxootioga ka yimid Somalia, isla markaana la baaro dhibaatooyinka ay Boliska Kenya ku cadaadiyaan, kuna jirdilaan Qaxootiga.

Bishii May ee sannadkan, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry waxa uu ku dhawaaqay in in ka badan 45 million oo Dollars la siinayo Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR si loogu adeegsado Badbaadinta iyo Kaalmeynta 600,000 oo Qaxooti ah oo ku sugan Xeryaha Kenya.

Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyatul-qowlka ee Qoraalka u diray Madaxweyne Obama ayaa kala ah:-Africa Centre for Open Governance (AfriCOG), Akiba Uhaki Foundation,ARTICLE 19,CSO Reference Group, Coalition for Constitution Implementation (CCI), Constitution and Reform Education Consortium (CRECO), Freedom House, HAKI Africa, Human Rights Watch, Inuka Kenya Ni Sisi Ltd, Kenya Human Rights Commission (KHRC), Kenya Section of International Commission of Jurists (ICJ), Kenyans for Peace with Truth and Justice (KPTJ), Muslims for Human Rights (Muhuri), National Coalition of Human Rights Defenders – Kenya (NCHRD-K), Pawa Initiative, iyo Protection International.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor