Obama iyo Uhuru Kenyaata oo ka wada hadlay Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Barack Obama khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Kanya, Uhuru Kenyatta.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geysteen Jaamacadda Garisa, wuxuuna Madaxweyne Obama tilmaamay inay Maraykanka iyo Kenya iska kaashanayaan Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

“Waxaan la garab istaagaynaa Dowladda iyo dadka Kenya dagaalladda Argagixisadda iyo sidii la isugu keeni lahaa Bulshadda” ayuu yiri Madaxweyne Obama, inkastoo uusan soo hadal-qaadin inay Maraykanka duqeyn doonaan Alshabaab.

Madaxweyne Obama waxa uu dadka Kenya u xaqiijiyey inay Dowladda Maraykanka  saaxiib iyo Isbahayso dhow la yihiin Kenya, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuusan waxba iska bedelin Jadwalka Safarka ee uu bisha July ku imaan doono Kenya.

Dhinaca kale, Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad ee Maraykanka, ayaa Khamiistii la soo dhaafay sheegay inay Kenya taageeri doonaan sidii tallaabo looga qaadi lahaa Alshabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor