NUSOJ oo cambaaraysay xarigga Weriyaha UNIVERSAL TV ee lagu xiray Jowhar.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa ugu baaqay Maamulka HirShabelle inay sii daayaan Weriyaha Universal TV, Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo maalintii 2-aad ku xiran Jowhar.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa lagu sheegay inay aad ugu xun yihiin xarigaasi, iyadoo Dowlad-gobaleedka Hirshabelle  loogu baaqay inay shuruud la’aan u sii daayaan Weriyahaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee HirShabelle, Mahad Xasan Cusmaan ayaa horey u sheegay inay Weriyaha Universal TV xireen, kadib, markii Universal TV laga baahiyey war ku aadan inuusan Madaxweynaha HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble ka qeyb geli doonin Shirka London.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka HirShabelle ayaa laga filayaa inay sii daayaan Weriyaha Universal TV, Ismaaciil Cumar Sabriye, isla markaana ay xushmeeyaan Xorriyadda Saxaafadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media