NUSOJ oo cambaaraysay tallaabadda ay Maamulka Puntland ku xayireen Barnaamij ka baxa Telefishinka Somali Channel.


JAMA DEPARANIXoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibrahim Pakistan waxa uu si kulul u cambaareeyey Wareegtaddii Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland ku xayireen Barnaamijka Toddobaadlaha ee Deparani Show ee Somali Channel TV, oo laga tebin jirey Puntland.

Wareegto ka soo baxday Maamulka Puntland ayaa waxaa shaqada looga joojiyey Soo-saarihii Barnaamijkaasi, Jaamac Deparani.

Ururka NUSOJ waxay la wadaagayaan Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP cambaaraynta ku aadan Falkaasi ka hor imaanayo Xorriyadda Hadalka.

“Ururka NUSOJ waxa ugu baaqayaa  Maamulka Puntland inay si shuruud la’aan xayiraadda uga qaadaan Weriye Jamaac Deparani iyo Barnaamijka uu soo-saaraha ka haya ee ka baxa Telefishinka Somali Channel ee ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda London ee dalka Britain” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ.

Waxa uu ku booriyey Maamulka Puntlandinay dhowraan Xuquuqda Xorriyadda Hadalka  iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.

Bishii May 21-dii ee sannadkan, Madaxweynaha Mamaulak Puntland, waxa uu amar ku bixiyey in la soo xiro Weriye  Jamac Deperani, oo lagu eedeeyey inuu Facebook-ga ku dhaliilay Maamulka Puntland.

© Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor