NUSOJ oo cambaaraysay falkii lagu khaarijin lahaa Sawir-qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka

Xoghayaha Guud ee Uuruka Suxufiyiinta Qaranka Somalia ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Pakistan  ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay lagu dhaawacay Sawir-qaade Farxaan Saleebaan Daahir oo ka tirsan Telefishinka Qaranka.

“Waan cambaaraynayaa weerarkaasi loo geystay mid ka mid ah Suxufiyiinta Somalia, waxaana rajeynaynaa in la soo qabto kooxihii falkaasi geystay, sharcigana la soo tagao” ayuu yiri Mas’uulkaasi.

Kooxo hubeysan ayaa waxay shalay Sawir-qaadahaasi ku dhaawaceen Xaafadda Kaasa Bobolaare ee Degmadda Hodan, iyadoo dhaawaciisana la dhigay Isbitaalka Madiina oo lagu daawaynayo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay kooxo hubeysan shan xabbadood ku dhufteen Sawir-qaade Farxaan Saleebaan Daahir, kadibna ay kooxahaasi baxsadeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor