Norway: Raggii dilay Muwaadin Somali oo la soo maxkamadeeyey

Caasimadda dalka Norway ee Oslo waxaa la soo taagay Labo nin oo Walaalo ah, kuwaasi oo horey tooreey ku dilay Muwaadin Somali oo ay ku lahaayeen Lacag.

Labada Gacan-ku-dhiigle oo da’dooda kala tahay 21-jir iyo 23-jir ayaa la sheegay inay Muwaadin Somali oo 22-jir ah ku dileen Xaafadda Holmlia ee magaalladda Oslo bishii Feberaayo ee sannadkan.

Xeer-ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay inay Gacan-ku-dhiiglayaasha mindi ku gawraceen Marxuumkaasi, kadibna ay ku rideen Bulaacad loogu talagalay inay maraan Biyaha Wasaqda.

Dhinaca kale, Warbixin uu Boliska diyaariyey ayaa laagu sheegay inay Gacan-ku-dhiiglayaasha  dilka geystay ay soo waceen Boliska, wax yar kadib, markii ay gawraceen Marxuumka, kuna rideen Bohosha.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo Xukunka Dembiilayaashaasi dilay Marxuumka Soomaaliyeed.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor