Ninkii Soomaaliga ee Haweeneyda ku dilay dalka Sweden oo la shaaciyey Xilliga la soo maxkamadeynayo iyo inuu qabo Xanuunka Dhimirka.

Baarayaasha Dembiyadda Dilalka ee Qaranka Sweden ayaa shaaciyey in Eedeysanaha Soomaaliga oo lagu magacaabo Yuusuf Khaliif  Nuur uu qabay isku buuqsanaa, markii uu Mindida ku weeraray, kuna dilay Haweeney la oran jirey Aleskandara Mezhar.

Warbahainta dalka Sweden ayaa soo xigtay Warbixin ay soo saartay Hay’addaasi oo lagu muujiyey inuu Eedeysanahaasi dhibaato caafimaad ka qabo dhinaca Dhimirka (Mental Health problems).

Caddayntaasi ayaa waxay la midcno tahay haddii Eedeysanahaasi lagu helo Falka Dilka in loo diri doono Daaweyn Caafimaad, halkii xukunkiisu ka ahaan lahaa in ku dhamaysto Xabsiga.

Wargeyska The GT newspaper, oo markii ugu horreysay warkan lagu daabacay ayaa qoray inay Baarayaasha ku ogaadeen Baaritaankooda Khaaska  kadib, markii ay Shaqaalaha Dhismooyinka lagu xanaaneeyo Qaxootiga ee uu ku noolaa Eedeysanaha oo ku yaalla Deegaanka Mölndal ee Galbeedka Sweden caddeeyeen inuu Eedeysanaha qabay xanuun dhinaca Dhimirka, ka hor inta uusan bishii hore Tooreey ku dilin mid ka mid ah Shaqaalaha Samafalka oo lagu magacaabi jirey  Alexandra Mezher.

Agaasimaha Dhismayaashaasi, Staffan Anderssom yaa sheegay inay dhowr jeer codsadeen in la  caawiyo Eedeysanaha, ka hor inta uusan dilka geysanin.

Afhayeenka Baarayaasha Dembiyadda Dilalka ee Qaranka Sweden, Helena Norman ayaa u xaqiijiyey Wargeyska The Local.se inay soo dhamaystireen Warbixinta ku aadan Dhibaatadda Eedeysanahaasi ka haysato dhinaca Dhibaatadda Dhimirka, balse waxa uu diiday inuu Saxaafadda la wadaago natiijadda Baaritaankooda.

“Sida caadada ah, marnaba faahfaahin kama bixino Baaritaanadda” ayey tiri Helena Norman.

Dhinaca kale, Eedeysanaha Soomaaliga ee Yuusuf Nuur Khaliif ayaa la filayaa in bishan Feberaayo 25-da la soo taago Maxkamad ku taallo magaalladda Gothenburg.

Isbuucii la soo dhafaay, Hay’adda Socdaalka Sweden “Sweden’s Migration Agency” waxay sheegtay in da’da Eedeysanahaasi tahay ugu yaraan 18-jir, inkastoo uu Qaxooti ahaan isugu dhiibay inuu 15-jir yahay, wuxuuna ku noolaa Dhismayaasha lagu hayo carruurta Qaxootiga oo aysan wax Waalid la soconin.

YUSUF-KHALIF-NUR

©Radio Dalsan  

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor