Ninkii Soomaaliga ahaa ee dadka ku dhaawacay Kanada oo maanta la maxkamadaynayo

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi ayaa qoray in maanta la soo taagayo Maxkamad ninkii Soomaaliga ee dhowrka qof ku dhaawacay magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee Galbeedka dalkaasi.

Abdullahi Hasasn Shariif oo 30-jir ah waxa lagu soo oogi doonaa 11 fal-dembiyeed, oo ay ku jiraan 5 kiis oo Isku-day dil ah.

Eedeysanaha waxa uu habeenkii Sabtiga ee la soo dhaafay Toorey ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan Boliska dalkaasi, ka hor inta uusan gaarigiisa jiirsiinin 4 ruux oo ku lugeynayey wadada dhinaceda.

Boliska waxay soo bandhigeen Sawir ay  Eedeysanaha ka qaadeen weerarkii kadib.

Abdullahi Hasasn Shariif waxa uu Qaxooti ahaan ku galay dalka Kanada sannadkii 2012-kii, waxaana isla sannadkaasi la siiyey Aqoonsiga Qaxootinimo.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada ayaa difaacday Nidaamka Socdaalka ee lagu qaabilo Qaxootiga magangelyo-doonka ah, waxayna sheegtay inaysan waxba iska bedelin kadib, weerarkii ka dhacay magaalladda Edmonton

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media