Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalay Qormo Xiiso Leh

Ayadoo maal mahaan ay  si xowli ah u socdaan kulumo looga arinsanaayo maamul u sameynta gobalada dhexe, Ayaa waxaa shirar isdaba joog ah waxeey ka dhacayaa Caasimadda Soomaaliya iyo waliba qurbaha, Waxaa dhawaan shir ka furmay Caasimadda Gobalka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb shir loogu magac daray shir dib u heshiineyd  oo uu ka qeyb galay madaxweynaha D.F Soomaaliya Mudane Xassan Shiekh Maxamuud Asigoona sheegay in 1 Maarso uu shirka wajigiisa 2aad ka furmi doono Degmada Cadaado, Hadaba Maamul usameynta gobalada dhexe yaa wado labadaas gobalne  xur mayihiin mase qeybo ka mid ah wali Shabaab baa xukumo.

Deegaanka balaaran ee Mareeg State of Smalia  ayaa wali waxaa ka taliyo shabaab sida magaalooyinka kala ah Ceeldheer,, Xaradheere,, Masagawaay,, Galcad ,,BudBud ,,Cali yabaal ,,Cowsweeyne,, Mareeg oo ah dekad,, Cigo  oo ah dekad,, tuulo xaaji,, Waniinle,, Bacad Saareey, Maraay Suuleey,, iyo waliba magaaalooyin kale oo badan intaaba waxeey gacanta ugu jiraan kooxaha diidan nabadda Soomaaliya meysan aheyn marka hore in  labadaa gobol laga saaro gacanta  shabaabka.

Hadeeyse ay dhacdo in la sameeyo maamul loo dhan yahay qaabkee loo qeybsanayaa.

Bariga Galgaduud  waxaa dagan  dhanka xeebta iyo magaalooyinka xeebta ah Dadka ku abrisada Mareeg State.

 Deegankaa balaaran  maka warqbaan sida howsha ay u socoto iyo qaabka loo wado maamulka cusub, Hadal iyo tusaale waxaad leedahay marka aad arinta waxa ka leedahay ama aad ka tahay xumin Muuqato, dulucda hadalka ayaa ah inta wax la qeybsano ogoow cadkaaga adoo cidne ku xadgudbin,  Dhismaha maamulka ayaa ah awood qeybsi deegaan, waxa sharaxan madaxweyne  waxaa sharaxan Guoomiyaha baarlamaanka waxaa loo olaleynayaa  Caasimadii in ay beel walbo hesho waxaa dagaal xoogan loogu jiraa meesha ay noqon doonto Dekadda, hadaba Mareeg State waxeey dhul ahaan dagaan xeebta Galgaduud oo idil ilaa Mudug qeyb ka mid ah hadba waxaa is weydiin mudan  yaa matalaya Mareeg State.

Waxaa sanandkii 1960 kii  allaha u naxariistee abwaan Jimcaale dhagataag ugu hiiliyay ineey ceeldheer noqoto degmo Gabayadii guubaabada ahaa waxaa ka mid ahaa gabaygaan.

Nimanaa qasnado buuxsadoo qalad wax loo siiyay.

Nimanaa qaboowsada hilbaha qadada maalmeede.

Anagana waxaan soo qornaba waa la qariyaaye.

Nalamana qal qaalshoo qar baa nalaga xooraaye.

Qoodhiin ya xeradiin maxaa qadiyay Ceel-dheer.

Mase qolo qolayntii horaad qiran tihiin waaga.

Oo axdigaan wada qaadanaa nala qiyaamaayay.

  Dowladii xiligaa jirtay ceeldheer waxeey aqoonsatay degmo, Hadaba maanta oo aan joogo 2015Maxaa dib u celiyay Deegaanka Mareeg , Ayadoo ay  ka soo jeedaan Siyaasiin caan ah  Ganacsto Aqoonyahano  aad looga yaqaan gayiga Soomaaliyeed, Hadaba  xureynta dhulkaa iyo hormainta deegaankaa yaa lga sugayaa Xili ay socdaan dadaalada  Maamul u sameynta gobaladda dhexe, Waxeey Soomaalidu ku maah maadaa (ninkii seexdaa sicii dibi dhalay), inta ay howshu qabyo tahay ayaa hadalku furan yahay  ka qeyb qaado maamul usameynta Gobaladda dhexe.

Mareeg waxa ka soo jeedo dad u soo halgamay Soomaalinimada  Maantane waxeey leeyihin dad umadda ku dhaxleh magac iyo maqaam.

Hadalka waxaa ku soo gaba gabeynayaa dadkii hore ee ka soo jeeday deegaanka waxeey u soo hooyeen sumcad iyo magac dadkaa waxa ka mid ahaa 

allaha u naxariistee Gen Daa’uud Cabdulle Xirsi

llaha u naxariistee Cusmaan Geedi Raage

llaha u naxariistee Gen. Xuseen Kulmiye

Allaha u naxariistee Garyaqaan Prof. Ismaaciil Jimcaale Cosoble

llaha u naxariistee Gen. Salaad Gabeyre Kadiye

llaha u naxariistee  Gen Abuukar Suulaleey

llaha u naxariistee Gen. Isaaq Idiiw

allaha raajiyo cimrigiisa Gen. Maxamaed maxamuud Guuleed

iyo qaarkoloo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin.

Maaamulka gobalada dhexe waxaa loo dadajinaayo waxaa ka mid ah in ay beel walbo marka hore hesho kuraastaan 1 Caasimadda. 2 Madaxweynaha Dekadda  intaa ayaa ah ujeedka shirka marka inta jecel ineey dadkooda wax u qabtaan  waa ineey cadka deegaankaa balaaran ee mareeg State markasto ha hormariyaan danahooda qaaska ah  Wabillaahi Towfiiq

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor