Ninkii Kenyanka ee lagu eedeeyey inuu Al-Shabaab u fudueyn jirey Warqadaha Aqoonsiga ee dalkaas oo la soo qabtay

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Eedeysanahaasi xalay ku qabteen Tuulladda  Kayoole oo u dhow magaalladda Nairobi.

Wargeyska The Star ayaa saakayto qoray in Eedeysanahaasi lagu wareejiyey Boliska La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, si ay u sameeyaan baaritaano dheeraad ah.

Qabashadda Ninkaasi ayaa timid labo maalin kadib, markii ay Boliska Kenya sheegeen inay madaxiisa dul dhigeen Abaalmarin Lacageed oo dhan Hal million oo Shillinka Kenya.

Dhinaca kale, Boluiska Kenya waxay sheegen inay ku raad joogaan Nin ay ku tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab, waxayna magaciisa ku sheegeen Anthony Munyasya oo lagu naanayso Abdalla, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Labo isbuuc ka hor, Afhayeenka Boliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inuu Ninkaasi xubin ka ahaa Alshabaab tan iyo sannadkii 2014-kii, isla markaana uu dhawaan dib ugu laabtay Kenya.

Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi waxay horey uga digeen Weeraro ay Xarakadda Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya tan iyo inta lagu guda-jiro bishan Barakaysan ee Ramadaan, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay horey wacad ugu mareen inay sii wadi doonaan Hawlgalladda ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi iyo La-dagaalanka Askarta Kenyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, ilaa Askartaasi laga saarayo gudaha Somalia.

Ciiddankaasi Kenyananka waxay gudaha Somalia ku sugan yihiin tan iyo bishii October 15-dii ee sannadkii 2011-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media