Ninkii isku qarxiyey Daallo Airlines oo Macallim Dugsi ahaa, balse aan lagu ogeyn Xag-jirnimo.

Ninka la tuhunsan yahay  inuu ka dambeeyey qarixii Diyaaradda Daallo Airlines, Abdullahi Abdisalam Borleh ayaa la sheegay inuu Macallim ka ahaa Dugsi Islaami ah oo ku yaalla magaalladda Hargeysa, sida laga soo xigtay Sheekh Maxamed C/llaahi oo Iimaam ka ah Masjid ku yaalla magaalladda Hargeysa.

Imaamka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka AP ee laga leeyahay dalka Maraykanka, wuxuuna Ninka is-qarxiyey da’diisa ku qiyaasay inta u dhexeysa 50 ilaa 52 jir.

Waxa uu sheegay inuu ahaa Nin aad u kaftan badan, isla markaana uu dhibaato xanuun ka qabay lugta, wuxuuna iinta badan marka uu soconayo cuskan jirey Baakoorad.

Sheekh Maxamed C/llaahi waxa uu xusay in markii ugu dambeysay ee  uu la kulmay Abdullahi Abdisalam Borleh ahayd bishii Janaayo ee la soo dhaafay, xilligaasi oo uu u sheegay inuu doonayo inuu u ambabaxo magaalladda Muqdisho, si uu uga helo Baasaboor uu ugu dhoofo Turkiga ama Hindiya sababo dhinaca Caafimaadka.

“Waxa uu u socdaalay Muqdisho si uu uga helo Baasaboor oo uu ugu ambabaxo Turkiga ama Hindiya sababo caafimaad. Wuxuuna had iyo jeer jeclaa inuu dibedda u dhoofo si uu isaga soo toosiyo lugtiisa” ayuu yiri Iimaamka, oo khadka Telefoonka kula hadlay Wakaalladda Wararka ee AP isagoo jooga magaalladda Hargeysa.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Somaliland oo aan fasax u haysanin inuu la hadlo Warbaahinta ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP inay Sirdoonka indhaha ku hayeen Dhaqdhaqaaqa Ninka isku qarxiyey Diyaaradda Daallo Airlines, ee la oran jirey Abdullahi Abdisalam Borleh, balse aysan marnaba filaynin inuu ahaa Nin khatar ah.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarixii Diyaaradda Daallo Airlines lala beegsaday bishan Feberaayo 2-dii, taasi oo uu ku geeriyooday ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qaraxaasi oo la oran jirey Abdullahi Abdisalam Borleh.

Waxaa kaloo qaraxaasi ku dhaawacmay 2 qof oo ka mid ahaa Rakaabkii la socday Diyaaradaasi, kuwaasi oo ay soo gaareen dhaawacyo gubasho ah.

DAALLO - BOORLEH BOORLE 2

somali.jpg

Xigasho: AP

©Radio Dalsan       

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor