Ninkii fuliyey Is-qarxintii ka dhacday Raashiya oo la aqoonsaday.

Afhayeen u hadlay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in Ninka is-qarxiyey uu ahaa Nin  asalkiisu ka soo jeedo dalka Kharakihistan (Kyrgyzstan.), balse haysta dhalashadda dalka Raashiya.

Ninkaasi waxaa lagu magacaabi jirey Akbarzohon Jalilov, kaasi oo sannadkii 1995-kii ku dhashay magaalladda Osh ee dalka Kyrgyzstan.

Afhayeenka waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin kale ka bixiyo qarixii sababay dhimashadda ee shalay ka dhacday goobo laga raaco Tareenadda oo ku taalla magaalladda Saint Peterburg ee dalka Raashiya.

11-qof ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi, iyadoo  45 kalena ku dhaawacmeen.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media