Ninkii dadka ku dhaawacay bartamaha London oo la soo maxkamadeynayo.

Dembi-baarayaasha Britishka ayaa sheegay in  maanta Maxkamad la soo taagi doono ninkii dhawaan dadka ku dhaawacay tooreey goob laga raaco Tareenadda dhulka hoostooda mara ee Bariga magaalladda London.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Muxiyadiin Mire oo ah 29-jir deggan Bariga London waxaa la soo taagi doonaa maxkamadda Westminster ee magaalladda London, iyadoo lagu soo oogayo Isku-day Fal Argagixiso.

Ninkaasi waxa uu dhaawacay 3 qof, ka hor intaysan Boliska u awood sheeganin, kana qaadin mindidii uu watay.

Leytonstone-Underground-Station-Stabbing (1) Leytonstone-Underground-Station-Stabbing (2) PAY-leytonstone PAY-David-Pethers Leytonstone-Underground-Station-Stabbing

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor