Ninkii 16-aad oo Somali ah oo lagu dilay dalka Kanada

Kooxo gangestaro ah ayaa la sheegay inay Nin Somali ah ku dileen magaalladda Toronto.

Boliska ayaa sheegay inay baaritaano ku hayaan kooxihii ka dambeeyey dilka Marxuumka oo la oran jirey Abdiweli Mohamed Yusuf Abdi.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in lagu dilay  duleedka Deegaanka Danforth ee Galbeedka magaalladda Tornto, waxaana 6 xabbadood looga dhuftay laabta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay kooxihii geystay falkaasi ku baxsadeen gaari.

Marxuumkaasi oo 21-jir ahaa ayaa ahaa arday Jamaacadda ka qalin jebin lahaa sannadka soo socda.

Aabaha dhalay Marxuumkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Yusuf Abdi ayaa u sheegay Wargeyska Toronto Sun inuu ka war sugayo natiijadda ka soo baxda baaritaanka Boliska.

Dhinac kale, Marxuumka ayaa ku dhashay, kuna soo barbaaray magaalladda Toronto, wuxuuna si mutadacawnimo uga hawlgalayey Masjidka Khaalid Bin Walid.

Dilka Marxuum Abdiweli Mohamed Yusuf Abdi.ayaa la sheegay inuu yahay Soomaaligii 16-aad ee sannadkan lagu dilo dalka Kanada.

http://www.torontosun.com/2015/05/21/danforth-shooting-victim-idd

ABDIWELI 1 (1) ABDIWELI 4 ABDIWELI 6 (1)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor