Ninka Soomaaliga ee weerarka ka geystay Kanada oo horay loo amray in loo soo celiyo dalkiisa

Saacado kadib, markii uu Eedeysanaha Soomaaliga ee Abdullahi Hassan Shariif shalay ka soo muuqday Maxkamad ku taalla dalka Kanada ayey Saraakiil Maraykan ah waxay xaqiijiyeen inuu Eedeysanaha horey ugu sugnaa Maraykanka, balse loo diiday Codsigiisa Magangelyo-doonka ahaa.

Saraakiisha oo aan magacyadooda la shaacinin ayaa sheegay in Garsoore ka tirsan Hay’adda Socdaalka Maraykanka amar ku bixiyey sannadkii 2011-kii in Abdullahi Hassan Sharif loo soo masaafuriyo Somalia.

Qoraal E-mail ah oo ay Waaxda Socdaalka Maraykanka shalay u direen Wargeyska Global News ee ka soo baxa Kanada ayey ku sheegeen in Abdullahi Hassan Sharif loo gudbiyey Xarunta Otay Mesa ee magaalladda San Diyeego oo dadka Muhaajiriinta lagu hayo bishi iJuly 15-dii ee sannadkii 2011-kii.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Eedeysanaha markii uu muddo 2 bilood ku jirey Xeradaasi inuu Garsoore amray in dib loogu celiyo Somalia, balse waxaa la sii daayey bishii November ee sannadkii 2011-kii.

Saraakiisha Waxada Socdaalka Maraykanka waxay kaloo sheegeen inuusan Eedeysanaha, Abdullahi Hassan Shariif  taariikh ahaan lahayn wax Dembiyo ah oo uu galay muddadii uu joogay Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee,  Wasiirka Ammaanka Dadweynaha ee dalka Kanada, Ralaf Goodaale ayaa sheegay inuu Abdullahi Hassan Shariif  soo galay Kanada sannadkii 2013-kii, iyadoo wax yar kadib la siiyey  Warqadda Qaxootinimadda uu ku joogi karo dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media