Nin Walaalkiis tooreey ku dilay oo lagu qabtay M/Muqdisho

Dilkaan ayaa yimid kadib markii markii ay xoogaa murmeen laba qof oo walaalo ah taas oo keentay in mid ka mid ah ragaas oo kii kale oo walaalkiisa ah uu tooreey ku dhufto sidaasna uu ku geeriyooday.

Dhacdadaan oo aad looga anxay ayaa waxa ay ka dhacday degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir sida uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka oo dalsan la hadlay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Goobta falkaan uu ka dhacay ay gareen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska kuwaas oo Gacanta ku dhigay ninkii walaalkiisa tooreyda ku dilay.

Arrintaan ayaa ah mid bilihii u dambeysay ku soo laab laabatay gudahad dalka,kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalo dad ehel ah ama wada dhashay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media