Nin ugu foolka xun Uganda oo aabe u ah 8 carruur ah (Sawirro)

Godfrey Baguma oo lagu tilmaamo ninka ugu foolka xun dalka Uganda ayaa la sheegay inuu aabe u yahay 8 carruur ah.

Godfrey Baguma oo lagu naanayso Sebabi oo la micno ah “Ninka ugu foosha xumaa iyaga oo dhan” ayaa lagu soo bandhigay Warbaahinta.

Ninkaasi oo 47 jir ah ayaa  la hadlay Warbaahinta KFM, wuxuuna ka sheekeeyey xaalladiisa iyo nolosha uu la soo wadaago labo dumar oo uu qabay.

Waxa uu tilmaamay inay haweenka ku soo raacaan Lacagta.

Godfrey Baguma waxa kaloo uu ka hadlay xaaska ay hadda isla joogaan oo u dhashay labo carruur ah, taasi oo uu guursaday sannadkii 2013-kii.

Xafladdii guurkiisa  waxaa lagu qabtay Degaaanka uu ka soo jeedo ee Kyzanga ee Degmadda Lwengo, waxa uu tilmaamay inay dadka la yaabeen markii loo sheegay in ninkii foolka xumaa uu guursanayo.

Martida ka soo qeyb gashay Xafldda ayaa waxa uu sheegay inay kharaj ku soo galeen goobta ay xafladdu ka dhacday, iyadoo uu qof kasta bixiyey lacag dhan 4,000 oo Uganda Shillings ah una dhiganta ku-dhawaad 70 Pound.

Godfrey Baguma oo hadda ku shaqeysta Heesaanimo, inkastoo uusan jeclayn inuu Masraxa soo dul istaago, si ay dadka u daawadaan.

U 1 U 5 U 7 U 10

Xigasho: Mirror

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor