Nin u dhashay Suurya oo kelidiisa u iibiyey si uu ugu tahriibo Europe.

Qaxootigaasi ayaa sheegay inuu kelidiisa ku iibiyey dalka Lubnaan, si uu ugu soo tahriibo Qaaradda Europe.

Waxa uu tilmaamay inuu maray qaliin khatar ah oo aan daawo lahayn, waxaana dhibaatada haysata Dhibanaha soo shaac baxday, markii uu Tahriib ku soo galay dalka Serbia.

Ururka La-dagaalanka Is-xambaarka ee ATINA oo uu fadhigooda dhexe ku yaallo caasimadda dalka Serbia ee Belgrade ayaa u fidisay Daaweyn, wuxuuna muddadii uu Tahriibka soo ahaa isticmaali jirey Kaniinka Xanuun-jebiyaha ee Painkillers.

Dhinabaha waxa uu sheegay inuusan wax daawayn ah helin 20-maalmood markii uu soo gaaray Serbia ee la caawiyey waxa uu sheegay inuu doonayo inuu safarkiisa sii wadanayo, wuxuuna mar hore gaaray xududuka Korowaatka (Croatia).

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor