Nin u dhashay dalka Koonfurta Kuurya oo nolosha isku gubay


Ninkaasi oo da’da 80-aadka ku jira ayaa la sheegay inuu maanta isku gubay afaafka hore ee Safaaradda Japan ee ku taalla caasimadda dalka Koonfurta Kuurya ee Siyool.

Dad ku sugnaa halka uu Ninkii isku ololiyey ayaa ku dadaalay inay u gurmadaan, si ay u bakhtiiyaan dabka, waxaana dhaawaciisa loola cararay Isbitaalka.

Wakaalladda Wararka ee YONHAP ayaa sheegtay inuu ninkaasi oo ka yimid Degmadda Gawangeju ee Koonfurta dalkaasi, ayaa u muuqday inuu doonayey inuu is-dilo.

Ninkaasi ayaa ka qeyb galayey Dibadbax looga codsanayey Dowladda Japan inay raalli gelin ka bixiyaan Haweenkii u dhashay dalka Koonfurta Kuurya ee lagu khasbay shaqada xilligii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Bishan August 15-da ayaa loo abaal-degayaa 70-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la soo gebagebeyey Gumeysigii Japan ee qabsaday Gacanka Kuurya.

MAN SETS SELF ON FIREMAN SETS SELF ON FIRE 02

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor