Nin u dhashay dalka Azarbajaan oo Xasakiisa shalay lagu dilay weerarkii Muqdisho oo miyir-beelay.

Wakaalladda Wararka Azarbajaan ayaa sheegtay in Kamaale Savalan oo 34 jir lagu dilay Baskii shalay lagu rasaaseeyey Xaafadda Taleex ee Degmadda Hodan ee magaalladda Muqdisho.

Haweeneydaasi geeriyootay waxay macallim  ka ahayd Dugsiga Sare ee Turkish High School oo ku yaalla magaalladdan Muqdisho.

Waxaa kaloo weerarkii shalay lagu dhaawacay labo wiil oo ay dhashay Haweeneydaasi, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Nihaad oo 11-jir ah iyo Nijaat oo 10-jir ah.

Dhinaca kale, Ninka qabay xaaska geeriyootay oo lagu magacaabo Ismayilov Aflatun Veysel ayaa la sheegay inuu miyir belay, markii uu maqlay in la dilay xaaskiisa, lana dhaawacay labadiisa wiil.

Aabahaasi, Ismaayilov Aflatun waxay isaga iyo qoyskiisa muddo dheer ku noolaayeen dalka Turkiga waxaa loo soo diray Somalia oo ka shaqo bilaabay Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Ninkaasi ayaa koma’ galay, kadib, markii uu Maamulka Dugsiga Turkish High School, Bulent Ergunes u gudbiyey Walaalkiisa ku sugan Turkiga Farriintaas naxdinta leh ee ahaa in la weeraray Bas ay la socdeen Arday Turkish iyo kuwo u dhashay Aserbajan.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay 6 qof, halka kuwo kalena la dhaawacay.

©Radio Dalsan