Nin Soomaali ah oo lala xiriirayay Al Shabab oo lagu xiray Finland

Wakaalada Wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa sheegeysa in ciidamada booliska waqooyga Finland ay xiren nin Soomaali ah oo looga shakiyay inuu taageeri jiray Al Shabab.

Ninkan oo aysan booliska shaacin magaciisa waxa lagu xiray Jimcihii shalay magaalada Oulu ee waqooyga dalka Finland.

Qeybta dambi baarista dalkasi ee NBI ayaa sheegtay in muwaadinkan Soomaaliyeed looga shakiyay inuu taageri jiray Al Shabab.

Waxa uu ninkasi tagay wadanka Finland bishii September ee sanadkii hore,shaki badan ayayna booliska muujiyen in xiriiro badan uu la sameyn jiray Al Shabab.

Bishii September sanadkii 2014kii afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu maxkamadeeyay wadanka Finland,kuwaas oo looga shakiyay iney lacag kumanan Yuuro ah ay u soo aruuriyen Kooxda Al Shabab.

Mid kamid raggasi waxa lagu eedeyay inuu isku dayay inuu walaalkiis iyo qof kale oo uu adeerkii dhalay ku qanciyo ku biirista Al Shabab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor