Nin Soomaali ah oo ku safrayay Passport soomaali oo Khalad ah oo lagu qabtay Dalka Mareykanka

Zaki Maxamed Sugule, oo doonayay in uu ku safro Basabor Soomaali oo wax kama jiraan ah ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Minneapolis-St,Paul International Airport.

Booliska ayaa sheegay in 39 jirkan, Passporka uu watay uu ahaa mid Midabkiisu uu qaldanaa, sidoo kalena uu Passporka uu ku liitay dhanka calaamadaha lagu garto.

sidoo kale Madaxda Amaanka ayaa shegay in Sugale, uu doonayay in uu usafro dalka Somaliya, si uu ugu bar bar dagaalamo Xarakada Al Shabab.

Todobadkaan ayaa nin kale oo kasoo jeeda wadamada Bariga Qaarada Africa, ay Police-ku xireen markii uu damcay in uu ku safro Documents been abuur ah.

shaqsiyaadka aqoonta u lahaa Mr Sugule, ayaa waxaa ay ku dooneen in aysan xaqiijin karin in uu damacsanaa in uu ku biiro Al Shabab, iyo dowlada Islamica ee Daacish ee ka dagalanta wadamada Suriya iyo Ciraaq.

tan iyo markii uu ay soo baxday hanjabada Al Shabab, ayaa waxaa ay umuuqdaan ciidanka Nabad galyada dalka Mareykanka in ay muujinayaan feejignaan aad usareysa, oo dhanka amaanka ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor