Nin Somali oo ka soo laabtay Aas oo lagu toogtay Washington

Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabi jirey Zakariya Issa ayaa lagu soo waramay in gaari laga soo dhex toogtay, xilli uu ka yimid aas, kuna sii jeeday hoygiisa oo ku yaalla Koonfurta Seattle oo ka tirsan Washington.

Fowsiya Mohamed oo ah  Hooyadda dhashay Marxuumkaasi ayaa sheegtay in wiilkeeda la toogtay shalay galab oo Jimco ahayd, xilli uu ka soo laabanayey  aaska mid ka mid ah Saaxiibadiisa oo Toddobaadkii hore lagu toogtay Waddada Federal Way.

Maama Fowsiya waxay intaasi ku dartay inay maqashay rasaasta lagu dilay Wiilkeeda, xilligaasi ay Wiilkeeda Telefoon ku hadlaysay.

“Waan maqlay dhawaqa rasaasta oo saddex jeer dhacday” ayey tiri Mama Fowsiya, oo intaasi ku dartay in mar sii horreysay isbuucii hore dhowr xabbadooda lala soo beegsaday gurigooda.

Maamada waxay shalay galab la kulantay Madaxda Guryaha ee Seattlr, kuwaasi  oo u sheegay inuu wiilkeeda khatar ku jiro, waxayna ku sababeeyeen inuu saaxiibo la yahay Saaxiibo xun-xun.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor