Nin Somali miyir loogu jiray oo isku dilay caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur

Warbaahinta dalka Malaysia ayaa shaaciyey in Nin Somali oo 44 jir ah uu shalay ku geeriyooday magaalladda Kuala Lampur, kadib, markii uu iska soo tuuray Dabaqa 7aad ee Dhismaha Villa Putra Condo oo ku yaalla maagalladda Kuala Lampur.

Nin ka tirsan Ilaaladda Ammaanka ayaa la sheegay inuu helay maydka Marxuumkaasi.

Taliyaha Boliska Degmadda Dang Wangi, Zaynol Samaax ayaa xaqiijiyey geerida ninka Somalia oo la rumeysan yahay inuu ka soo booday Balakoonka Dabaqa 7aad.

Taliyaha ayaa sheegay inuu baaritaankooda Koowaad muujinayo in uu Marxumka xanuunka dhinaca Dhimirka sannadkii hore  looga daaweeyey Isbitaalka Kuala Lumpur.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Marxuumka joojiyey daawooyinka uu qaadan jirey.

Baarayaasha Boliska ayaa sheegay inuu Marxuumka u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray Madaxa, kana  jabay dhabarka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor