Nin Somali Maraykanka oo weli gacanta ugu jira Xuutiyiinta Yemen

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Marie Elizabeth Harf  ayaa sheegtay inay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta Yemen weli ay gacanta ku hayaan Nin Somali Maraykan iyo labo Yemeni-Maraykan ah.

Wxaay intaasi ku dartay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo dadkaasi haysta Dhalashadda Maraykanka.

Dowladda Oman ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadatay Dhexdhexaadin ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta isbuucii hore ku sii daayeen Labo nin oo Maraykan ah.

Ma cadda sababaha rasmiga ee ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta u qabsadeen dadka haysta dhalashadda Maraykanka, laakiinse, waxaa la tuhunsan yahay inay Dagaalamayaasha doonayaan inay ku gorgortamaan Shisheeyaha ay ku qabtaan gudaha dalka Yemen.

Dagaalamaayasha Xuutiyiinta  iyo Ciiddankii Gaarka ee Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Ali Abdalla Salah ayaa noqday Isbahaysi dagaal la gala Isbahaysiga ay Dowladda Sacuudiga hoggaaminayso.

Dagaalamayaasha waxay shalay Gantaalka ridada dhexe ee Iskaad ku tureen Degmadda Khamiis Mushayt  ee dalka Scauudiga, iyadoo uu Gantaal-burburiyaha Patriotic missile  uu dhulka soo dhigay Gantaalka ay Xuutiyiinta soo ganeen.

 

 © Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor