Nin Somali Maraykan dhowr sanno ku xirnaa Yemen, oo u gacan galay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta

Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, Marie Elizabeth Harf  ayaa sheegtay inay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta Yemen weli ay gacanta ku hayaan Nin Somali Maraykan iyo labo Yemeni-Maraykan ah.

Waxay intaasi ku dartay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo dadkaasi haysta Dhalashadda Maraykanka.

Ninka Somali Maraykanka ayaa la sheegay inuu muddo dhowr sannado ah u xirnaa Dowladda Yemen, kadib, markii lagu shakiyey inuu ka tirsan yahay Ururka Alqaacida.

Dagaalamayaasha Xuutiyiinta oo iyagu sannadkii hore qabsaday caasimadda dalkaasi ee Sanca ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Ninka Somali Maraykanka, inkastoo aysan sheegin sababaha rasmiga ee ay weli u haystaan Ninkaasi.

Dhinac kale, Dowladda Oman ayaa la sheegay inay kaalin ka qaadatay Dhexdhexaadin ay Dagaalamayaasha Xuutiyiinta isbuucii hore ku sii daayeen Labo nin oo Maraykan ah oo mid ka mid ah  asal ahaan uu ka soo jeedo dalka Singapore

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor