Nin Somali ku eedeysnaa Kufsi oo lagu xukumay Maraykanka

Maxkamadda magaalladda Livingstone ee dalka Maraykanka waxaa la soo taagay Nin Somli ah oo lagu magacaabo Mohamed Mustafa, kaasi oo lagu soo oogay inuu geystay kufsi.

Ninkaasi oo 23-jir ah, dhigtana Kolejka Evelyn Hone College ayaa beeniyey Eedeynta lagu soo oogay.

Iyadoo hadalkiisa la turjumayo ayuu Eedeysanaha ku sheegay inuusan haba yaraatee jirkeeda taabanin gabadha  sheegtay inuu fara-xumeeyey.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in dembiga loo haysto Eedeysanaha yahay mid khatar ah, wuxuuna intaasi ku daray inay Maxkamaddu ahayn goob lagu ciyaaro.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in lagu xukumay 9-bilood, waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Waterloo.

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor