Nin Somali haysta Dhalashadda Holland oo loo xiray Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Xeebta Liido.

Wargeyska Netherlands Times ee ka soo baxa dalka Holland ayaa qoray in Ninkii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab habeen hore ku qaadeen Xeebta Liido uu yahay Nin Somali ah oo haysta Dhalashadda dalka Holland.

Weriye Madax-bannaan oo lagu magacaabo Harald Doornbos, kana faallooda Arrimaha Dagaalladda ayaa sheegay in Ninkii ka dambeeyey Weerarkaas lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed laguna qabtay Muqdisho.

Harald Doornbos waxa uu Warkaasi ku xaqiijiyey Wareysi uu siiyey Telefishinka iyo Idaacad Gobaleedka Dowladda Holland ee Omroep Brabant ee Gobalka Brabant ee Waqooyiga dalka Holland.

Wargeyska Netherlands Times waxa uu qoray in Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa Weerarkii sannadkii hore ka dhacay Hotelka Central Hotel iyo Weerar kale oo sannadkii 2014-kii ka dhacay dalka Jabuuti, laguna dhaawacay 6 Askari oo u dhalatay dalka Holland oo ku sugnaa Jabuuti.

Wargeyska waxa uu qoray in Weerarkii habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka dhacay Xeebta Liido ka qeyb qaleen 8 qof oo ka tirsanaa Alshabaab, oo 6 ka mid ah la dilay, mid uu Isqarxiyey, halka midka kalena ay Ciiddanka Ammaanka qabteen, kaasi  oo la rumeysan yahay inuu yahay Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed oo isagu dalka Holland Qaxooti ahaan u tegay sannadkii 1992-kii.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in Ninkaasi deganaan jirey magaallooyinka Helder iyo Tilburg ee dalka Holland.

Dhinaca kale, Saxafiga Madax-bannaan ee Harald Doornbos ee ka faallooda Arrimaha Dagaalladda, waxa uu sheegay in Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed uu Holland ku guursaday gabar Somali haysata Dhalashadda dalka Holland, isla markaana uu rumeysan yahay in Xaaska Ismaaciil Muuse ahayd Haweeneydii sannadkii hore isku qarxisay Hotelka Central Hotel ee magaalladda Muqdisho.

Haweeenydii isku qarxisay Hotelka Central ayaa la oran jirey Luul Axmed Daahir.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Holland wey u xaqiijin kari waayeen Telefishinka iyo Idaacadda Omroep Brabant Public Broadcasting regional television and radio broadcaster in the North Brabant Province  waxa ka jira wararka sheegayo in Nin haysta Dhalashadda Holland loo qabtay Weerarkii ay Alshabaab habeen hore ku qaadeen Xeebta Liido.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka waxay horey u sheegeen inay qabteen Ninkii Maskaxda u ahaa Weerarkii Alshabaab ee Xeebta Liido, inkastoo aan weli weli la shaacinin  magaca Ninkaas, mana kala cadda in Ninka ay Hay’addaha Ammaanka qabteen uu  yahay Ninka ay Warbaahinta Holland shaaciyeen magaciisa iyo sawirkiisa.

Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uulliyadda Weerarkii Baarka Lido Sea Food oo oo ay ku geeriyooday Labaatameeyo qof oo rayid ah, kuwaasi oo si farxad leh u wada shaahayey.

Beesha Calaamka waxay si wadajir ah u cambaareeyeen Weerarkaasi oo laga wada argagaxay, maadaama dadka lagu dilay ahaayeen dad rayid ah oo berri-ma-geydo ahaa.

Links Warka oo English

DUTCH-SOMALI MASTERMINDED MOGADISHU BEACH BOMBING; 19 KILLED

A Somali man with a Dutch passport is the mastermind behind the terrorist attack at a popular beach in the Somali capital of Mogadishu on Thursday. The man, Ismail Muse  Ahmed Guled was arrested at the Mogadishu airport, according to freelance war reporter Harald Doornbos, Omroep Brabant reports. At least 19 people were killed in about 7 hours of attacks.

The Ministry of Foreign Affairs could not confirm the arrest to the broadcaster. Guled is also believed to have been involved in an attack on the Central Hotel in the same city last year, as well as in an attack in Dijbouti in 2014 in which six Dutch soldiers were injured.

Thursday’s attack involved a total of eight attackers. Six were shot, one committed suicide and one was arrested. That is believed to be Guled. The attack was claimed by terrorist group al-Shabaab. It started with a car bomb at a restaurant around sunset, followed by a second explosion and then hours of random gunfire.

AD reports that Guled arrived in the Netherlands in 1992. He lived in Den Helder and Tilburg. He married a Somali-Dutch girl and joined Al-Qaeda. According to Doornbos, his wife blew herself up in Somali last year.

www.nltimes.nl

Links Warkan oo Luqadda Dutch-ka:

Onduidelijkheid rond betrokkenheid Somalische Tilburger bij terreuraanslag in Mogadishu

TILBURG – De bloederige terreuraanslagen in de Somalische hoofdstad Mogadishu, waarbij donderdag zeventien burgers om het leven kwamen, staan mogelijk op naam van een Somaliër die jaren in Tilburg heeft gewoond. Terreurverdachte Ismail Muse Ahmed Guled, die een Nederlands paspoort heeft, zou zijn gearresteerd op het vliegveld in Mogadishu.

Dat blijkt onder meer uit berichten van de doorgaans goed ingevoerde freelance-oorlogsjournalist Harald Doornbos. Guled is naar verluidt de enige aanslagpleger die is opgepakt. Of de Tilburgse Somaliër inderdaad is gearresteerd, kan een woordvoerder van het Ministerie van Buitenlandse Zaken tegenover Omroep Brabant niet bevestigen.

Volgens Doornbos ontkent de Somalische inlichtingendienst de berichten dat de Nederlandse paspoorthouder is gearresteerd na de terreuraanval.

www.omroepbrabant.nl

Xigasho: nltimes.nl iyo omroepbrabant.nl

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor