Nin Somali Canadian lala xiriirinayo Alshabaab oo la soo taagay Maxkamad ku taalla Kenya

Ninkaasi oo laqgu magacaabo Abdi Ducaale ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Eldoret ee dalka Kenya, isagoo lagu eedeynayo inuu ka tirsan yahay Alshabaab iyo inuu sawiro ka qaadayey Dhismo caan ah oo ku yaalla  Eldoret.

Eedeysanaha ayaa wuxuuna qirtay inuu si qalad ah u  sawiray Saldhigga Boliska ee Eldoret, balse waxa uu beeniyey inuu ka tirsan Alshabaab ama Kooxo kale.  Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Abdi Ducaale wato Baasaboor Canadian oo sax ah, balse uu faahfaahin waayey sababaha uu u joogay Kenya.

Kiiska Ninkaasi Somali Canadianka ayaa la filayaa in dib loo dhegeysto bishan August 21-dii, isagoo haatan ku xiean Xabsiga Degmadda Eldoret

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor