Nin Somali ah oo lagu dilay Gobalka Ontario ee dalka Kanada.

Boliska magaallo-madaxda Gobalka Ontario ee Ottawa ayaa baaritaan ku hayaa fal lagu dilay Nin Somali ah oo la oran jirey Nuradin Hassan.

Marxuumkaasi ayaa la sheegay in habeen hore lagu toogtay meel ka baxsan Dugsiga Sare ee Lester B Pearson high school iyo Xarun Daryeel-maalmeed ah (A daycare center).

Dhaawaca Marxuumka ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka, balse uu wax yar kadib ku geeriyooday Isbitaalka.

Boliska weli dad uma soo qabanin dilkaasi, inkastoo ay sheegeen in ay aad u yaqaanaan Marxuumka la dilay, isla markaana ay labo sanno ka hor u xireen dhacdo hubeysan.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu  horey u soo dhamaystay Xabsi 19 bilood ah, kadib, markii fal-dembiyeed dhac hubeysan ah lagu helay bishii November ee sannadkii 2013-kii.

Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaalida ku dhaqan magaalladda Ottawa ayaa waxay shalay buux-dhaafiyeen guriga Marxumka dilka, si ay Waalidkiisa uga tacsideeyaan dilka Wiilkooda.

Nooredin Hassan 2OTTAWA POLICE1 OTTAWA POLICE2 OTTAWA POLICE3

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor