Nin Somaali oo madaxa looga jaray W/bari Kenya

Marxuumkaasi oo la oran jirey Wardheere Cali, ahaana aabe 7 carruur leh ayaa waxaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Degmadda Lafeey ee Gobalka Mandhera.

Gabar uu dhalay Marxuumkaasi ayaa aragtay maydka aabaheeda oo madaxa laga jaray, xilli ay doonaysay inay u diyaariso quraac.

Qoyska Marxuumka, waxay codsadeen in Dembiilayaasha la hor keeno Sharciga, iyagoo sheegay inuu Marxuumku xanuunsanaa, isla markaana uu ka soo laabtay Mandheera, si uu u dhamaysto daaweyntiisa.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Deegaanka Lafey ayaa baarayo maydka, waxayna sheegeen inuu Marxuumka halgan dagaal u galay si uu isaga difaaco kuwii maqarka surka kaga jaray.

Ku-xigeenka Taliyaha Ammaanka ee Deegaanka Lafey, Joseph Maina ayaa sheegay inay wadaan baaritaan, wuxuuna xusayin ciiddamo dheeraad ah la dhigi doono Deegaanadda Lafeey iyo Bula Alunga.

©Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor