Nin sheegtay inay Alshabaab afduubten oo Maraykanka weydiistay magangelyo

Nin magaciisa lagu sheegay Ali Bashiir Mohamed oo sheegtay inay Alshabaab horey u afduubatay ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare ee Maraykanka inay dib u eegaan Codsigiisa ku aadan Magangelyo-doonka.

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee  www.law360.com  ayaa la sheegay inuu ka soo cararay Somalia sannadkii 2008-dii, kadib, markii uu sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab dileen Walaalkiisa, isagana ugu hanjabeen inay dili doonaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray in cabashadiisa ku salaysan dilka walaalkiisa iyo afduubkjiisa ay wax aan macquul ahayn in laga shakiyo fikirkiisa oo ka duwan fikirka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Ninkaasi oo horey Maraykanka uga codsaday magangeliyo ayaa beeniyey , kadib, markii uu Garsooruhu sheegay inuu tusi waayey caddaymo muujinaya dhibaatooyinka ay Alshabaab u geysteen.

Qoraal uu bishii April 27-dii ee la soo dhaafay qoray ayaa waxa uu ku sheegay in go’aanadda Maxkamadaha Rafcaanka inaysan Heshiis is-faham la lahayn Maxkamadaha kale.

Dhinaca kale, Bishii February ee sannadkii hore ee 2014-kii, Garsoorayaasha ayaa diiday inay  dib u eegaan Codsiga Magangelyo-doonka Ali Bashiir Mohamed, maadaama uusan caddaymo u ahayn sheegashadiisa ah inay Alshabaab afduubteen.

Haddii ay Maxkamadda Sare ee Maraykanka ku gacan-sayrto codsigiisa waxaa uu khatar ugu jiraa in dalka Maraykanka laga soo masaafuriyo.

Xigasho:- www.law360.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor