Nin Pakistan oo markii afaraad ka badbaaday xukun dil ah

Nin Pakistani ah oo la  qorsheeyey in maanta xukun dil ah lagu fuliyo ayaa dib  loo dhigay xukunkiisa.’

Garyaqaanadiisa ayaa horey u sheegay in uu Eedeysanahaa ahaa wiil yar markii uu geysanayey falka dilka.

Hay’adda The Justice Project Pakistan (JPP) oo ah Hay’ad Sharci oo u dooda Xuquuqda ah oo garyaqaan u ahayd Eedeysane Shafqat Hussien ayaa sheegay inay Maxkamadda Sare ee Pakistan dhegeysan doonaan rafcaan ay ka qaateen xukun ay horey Maxkamad u fulisay.

Shafqat Hussien oo maanta la doonayey in lagu daldalo xabsi ku yaalla magaalladda Karachi ayaadib loo dhigay.

Afhayeen u hadlay JPP ayaa sheegay in Shafqat uu mar kasta oo loo diyaariyo in la dilo, waxa uu macsalaameeyaa Walaalihiisa.

Shafqat Hussien oo falka dembiga galay isagoo 14 jir ah sannadkii 2004-tii, ayaa waxay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ka caroodeen in xilligan oo 23 jir yahay lagu fuliyo xukunkaa.

Shafqat Hussien walaalkiisa waxa uu qoraal 22 bog u diray Madaxweynaha dalka Pakistan, Mamnoon Hussien si cafis loogu fidiyo Walaalkiisa oo isaga 3 jeer ka badbaaday in lagu fuliyo xukun dil ah.

In ka badan 8,000 oo qof oo Xukun-sugayaal ah ayaa ku xiran xabsiyadda dalka Pakistan, iyadoo ku-dhawaad 160 qof lagu fuliyey xukun dil ah tan iyo bartamihii bishii December ee sannadkii hore.

shafqat shafqat 1

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor