Nin masayrsan oo wada dilay saaxiibtiisa iyo nin la haasaawayey

Jacaylka sidiisa waxaa la sheegaa inuu ku quman yahay in uu ahaado mid dhab ah, laakiinse haddii uu yahay Jacayl Laab-la-kac iska ah, waxaa hubanti ah in laga dhaxli karo khasaaro iyo aayatiin-xumo.Dhacdadan bal nala akhrista Aaya-xumida Jacaylka aan la isla wadin.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ayaa la sheegay inuu toogtay Haween uu la saaxiib ahaa, kadib, markii uu ka hinaasay iyadoo nin kale la caweynayso.

Sarkaalkaasi waxa uu indhaha ku dhuftay saaxiibtiisa oo Baar kula cabayso Qamri, kadibna waxa uu tacshiirad huwiyey iyada iyo ninkii ay la haasaawaysay.

Waxaa isla goobtaasi ku geeriyooday Sarkaal ka tirsan Ciiddanka GSU ee Kenya iyo Haweeneydii uu saaxiibka la ahaa.

Gacan-ku-dhiiglihii masayrsanaa o oka hawlgeli jirey Saldhigga Boliska ee Laare Police Station ayaa la sheegay inuu isagana madaxa iska toogtay oo is-dilay.

Dhacdan ayaa waxay habeenkii Axadda ee la soo dhaafay ka dhacday Baar lagu caweeyo oo lagu magacaabo Club Tenax and Restaurant oo ku yaalla Suuqa Mutuati, oo ku-dhawaad 6 KM u jirta Saldhigga Boliska ee ay saddexda is-dilay ka hawlgeli jireen.

Miilkiilaha Baarka oo lagu magacaabo Lazaro Ngolo ayaa Boliska u sheegay in Sarkaalka dilka geystay uu toogtay saaxiibktiisa iyo Sarkaalka kale, isagoo aan la hadlin.

Sarkaalka dilka geystay waxaa la oran jirey Joseph Kipngetich Cheruiyot, iyadoo gabadha uu jeclaa ee uu dilay lagu magacaabi jirey Grace Sheila Kioko oo ka tirsanayd Ciiddanka Boliska.

Sarkaalka kale ee isagana lala dilay haweeneydaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Benson Mwadime.

Si kastaba ha ahaatee, Labada Sarkaalka ee uu jeceylka kala dhexeeyey Askariyadda ayaa is-dilay, iyagoo sarqaansan.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor