Nin Masaari ah oo lala xiriirinayo Argagixisadda Caalamiga oo lagu xiray dalka Spain.

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in la xiray Ninkaasi oo 43-jir ah, kaasi oo lgu tuhunsan yahay inuu leeyihiin Urur  Argagixiso oo Caalami ah.

Qabashadda Ninkaasi ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen Hay’addaha Ammaanka ee dalalka Jarmalka iyo Masar.

Ninkaasi oo magaciisa la qariyey ayaa lagu xiray magaalladda El Espinar oo ku-dhawaad 40-miles dhanka W/galbeed kaga toosan Caasimadda dalka Spain ee Madrid.

Boliska Spain waxay sheegeen  in la soo saaray Amar ninkaasi loogu masaafurinayo dalka Masar.

Sannadkii 2002-kii waxaa Ninkaasi lagu xiray dalka Jarmalka, balse wax yar kadib ayaa la sii daayey.

©Radio Dalsan

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media