Nin Maraykan oo la mooday inuu geeriyooday oo markii dambe ay xubnihiisa dhaqdhaqaaqeen

Dhacdo la yaab leh ayaa ka dhacay Magaalladda Milwaukee ee dalka Maraykanka, kadib, markii la arkay nin ka soo dhacay qeybtii uu ka degnaa dhismo dabaqyo ah oo markii dambe bilaabay inay dhaqaaqaan gacantiisa bidix iyo lugtiisa midigta.

Ninkaasi oo  magaciisa lagu sheegay Thomas Sancomb oo 46 jir ah ayaa dhaqdhaqaaqa bilaabay, markii loo gudbin lahaa qolka maydadka ee Isbitaalka.

Dhakhtarta u xil saaran baaritaanka dadka, Genevieve M.Penn ayaa sheegtay in uu Ninkaasi ayaa la sheegay in ay diiwaan gelisay inuu  Thomas Sancomb geeriyooday abaarihii 02:10 Pm, markii uu ka soo dhacay qeybtii uu deganaa.

Genevieve M.Penn waxay u yeertay nin lagu magacaabo John Sancomb oo la  dhashay ninka geeriyooday, si ay ugu wargeliso geeridiisa.

Kooxda gaadiidka ayaa yimid, su ay maydka u geeyaan qolka maydka ee Isbitaalka, laakiinse abaarihii 3:00 galabnimo ayuu maydkii bilaabay inuu dhaqaajiyo gacantiisa bidix iyo gacantiisa midig.

Dhakhatardii waxay u yeertay ehelkiisa, iyadoo ninkii maydka lagu tirinayo loo gudbiyey Isbitaalka Columbia St. Mary’s Hospital oo ku yaalla Degmadda Milwaukee.

Afhayeenka Isbitaalka, Evan Soloschek waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo xaalladii ugu dambeysay ee ninkaasi, sababo la xiriira Sharciga Federalka.

Walaakiisa   John Sancomb ayaa sheegay inay soo hagaagayso xaalladda walaalkiisa, oo uu sheegay inuu ahaa nin had iyo jeer sarqaansan, aadna u cabi jirey sigaarka.

50 daqiiqo ayaa loo haystay inuu yahay mayd, balse, markii dambe ayuu bilaabay inay xubnihiisa dhaqdhaqaaq sameeyaan, ilaa uu ka soo miyirsado, oo noloshiisacaadiga ah dib u bilaabo.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Thomas Sancomb tttt

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor