Nin Maraykan oo ku eedeysan inuu ololiyey goob Ganacsi oo ay Soomaali lahaayeen oo dacwadiisa dib loo dhigay.

Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Matthew Willaim Gust oo 25 jir ayaa lagu soo oogay inuu dab qabadsiiyey Baar ay Ganacsato Soomaali ah ku leeyihiin Degmadda Grand Forks ee Gobalka Minnesota.

Eedeysanaha ayaa la  sheegay inuu bishii December ee sannadkii hore si ku-talagal ah dab u qabadsiiyey Maqaaxi laga cunteeyo oo lagu magacaabo Jubba Coffe House and Restaurant.

Qiraal ay Boliska u soo gudbiyeen Maxkamadda ayaa lagu xusay inuu Eedeysanaha dhalo gaas ku jirta uadeegsaday inuu ku ololiyo Baarka, waxaana ku bas belay Dhismahaasi.

Ganacsatada iska lahaa Baarkaasi waxay ku qiimeeyeen in dabku baabi’iyey hanti lagu qiyaasay 90,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dacwadda Eedeysanaha mar kale la dhegeysan doono Maarso ee soo socota, waxaana uu muteystan doonaa Xabsi 5 sanno ilaa 20-sanno iyo ganaax lacageed dhan  250,000 oo Dollar.

©Radio Dalsan                      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor