Nin madax u ahaa shabakad dadka tahriibin jirtay oo loo gudbiyay Talyaaniga

Medhanie Yehdego Mered oo ah 35 sanno jir u dhashay dalka Eritareeya ayaa loo gudbiyay dalka Talyaaniga isaga oo lagu eedeyay inuu madax u yahay shabakad dadka tahriibin jirtay.

Ninkan ayaa maanta laga soo qaaday dalka Suudan waxaana loo gudbiyay dalka Talyaaniga si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo islamarkaana cadaalada loo hor keeno,booliska ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

Medhanie Yehdego ayaa lagu xiray magaalada Khartoum ee dalka Suudan dhamaadkii bishii May ee sanadkan sida lagu sheegay warsaxafadeed uu booliska soo saaray.

waxa la aaminsan yahay in Medhanie Yehdego uu kamid yahay madaxda ugu waa weyn ee dadka ka tahriibin jiray dhinaca Libya.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Suudan ayaa u sheegay Wakaalada AFP in ninkan uu dhalinyarada yar yar uu ka soo tahriibin jiray dalalka Itoobiya, Eritareeya, Soomaaliya iyo Suudan.

Ninkan ayaa la xaqiijiyay inuu si joogta xiriir ula sameyn jiray kuwa kale oo dadka tahriibiya oo ku sugan waqooyga Yurub gaar ahaan dalalka Holland iyo wadamada Iskandaneefiyanka.

Waa markii ugu horeysay oo madaxda dadka tahriibiya lagu xiray Afrika iyada oo laga hortagayo tahriibka sharci darada ah.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor