Nin lala xiriirinayo Alshabaab oo lagu xiray dalka Kenya

Boliska Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Kenyaati ah oo lagu magacaabo Moris Makaina Tolle, laguna naanayso Idris Hassan Tole.

Boliska ayaa sheegay inay ninkaasi ku qabteen Degmadda Taita, isagoo haystay  lacago shillin Somali, dhowr Telefoon-gacmeed iyo shan Kaararka Hadalka (SIM cards) iyo Tikidh muujinayey inuu Bas ka soo raacay Degmadda Garissa.

Dadka deegaanka ayaa ku wargeliyey Boliska inuu ninkaasi muddo hal sanno ah ku maqnaa Somalia, isla markaana ku tuhunsan yihiin inuu xubin ka yahay Alshabaab.

Qabashadiisa ayaa ku soo beegmayso iyadoo ay Dowladda Kenya ugu baaqday inay isa so odhiibaan Dhallinyarradda Kenyaatiga ee xubnaha ka ah Ururka Alshabaab iyo kuwa kale ee dhawaan ka soo laabtay dalka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor