Nin la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Mandera.

Hadal ka soo baxay Boliska Kenya ayaa lagu sheegay inuu Nin ka tirsanaa Alshabaab geeriyooday, mid kalena uu ku dhaawacmay, xilli ay miino ku aasayeen gudaha Degmadda Mandera ee W/bari Kenya.

Sarkaal la hadlay Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa tilmamaay inuu ninkaasi geeriyooday xilli ay faraha kula jireen miino ay doonayeen inay ku aasaan Mandera.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadka Deegaanka u soo far-muuqeen Boliska xubnaha ka tirsan Alshabaab ee aasayey miinada, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna intaasi ku daray  intaysan Boliska soo gaarin goobtii ay miinaddu ku qaraxday raggii watay, kuna geeriyooday hal qof, iyadoo mid kalena uu ku dhaawacmay.

Dhinaca kale, Saraakiisha Milliteriga Kenya ayaa la sheegay inay kaxeeyeen ninkii ku  dhaawacmay Qaraxaasi, kaasi oo ay ku socdaan baaritaano.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay, hal maalin kadib, markii uu  Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ku geeriyooday qarax miino oo loogu aasay duleedka Mandera.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor